Madaxweyne Xasan oo Ra’iisul wasaare u magacaabay Cumar Cabdirashiid “Sawirro”

Muqdisho-17 December 2014-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, Mudane Xassan Shiikh Maxamud waxa uu maanta u magacaabay Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay maanta in aan u magacaabo Danjire Cumar Cabdirashid in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya. Danjire Cumar Cabdirashiid waa qof si fiican loo yaqaan, lagana qaddariyo dhammaan Soomaaliya. Waxa uu  leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo shaqo, horeyna waxa uu u soo noqday Ra’iisul Wasaare,” ayuu yiri Madaxweynahu.

“Inkastoo dastuurka awood ii siinayo in aan kaligay soo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha, haddana go’aankan markaan gaarayay waxaan tixgeliyay aragtida Soomaali kala duwan oo matalaya bulshada qaybaheeda kala duwan”

Dhawaan, Mudane Cabdirashid waxaa loo magacaabay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Maraykanka, isagoo noqday Danjirihii ugu horreeyey ee aan ku yeelanno carriga Maraykanka tan iyo sannadkii 1991.

Madaxweynaha ayaa sheegay, ” Ra’iisul Wasaarahu wuxuu kaalin muhiim ah ku leeyahay Soomaaliya. Anigu waxaan ahay Madaxweynaha dalka, Ra’iisul Wasaarahuna waa madaxa Dowladda Federaalka, wuxuuna mas’uul ka yahay xaqiijinta hawlaha dowladda oo ay ku jiraan dhammaan Wasiirada iyo Wasaaradaha inay fuliyaan howlahooda waqtiga loogu tala galay, iyada oo aan musuq maasuq lahayn, si hufanna loogu adeegayo danaha dadka Soomaaliyeed.

“Soomaaliya waa in si dhaqso leh wax uga qabato dhawr arrimood oo taagan oo la xariira Amniga, Siyaasadda iyo Horumarka. Waxaa jira waxyaabo badan oo u baahan in la qabto, waqtigana waa yar yahay. Waxaa muhiim ah in si deg deg ah loo fuliyo geeddi socodka qaran dhisidda sida uu qabo Higsiga 2016, sugidda ammaanka iyo in deg deg loo hirgeliyo talaabooyinka horumarka ee ku xusan Heshiiska Higsiga  Cusub(The New Deal, Somali Compact).

“Danjire Cumar Cabdirashid waxaan ku qabaa kalsooni buuxda. Waxa kale uu  xanbaarsan yahay masuuliyadda dhammaan dadka Soomaaliyeed. Dhamaanteen, ayada oo ay ku jiraan Golaha Wasiirada, waxaan sii adkeeyn doonaa horumarkii la sameeyay labadii sano ee ugu danbeeysay. Qof kasta oo Soomaaliyeed waa in uu ogaado nabad iyo horumar in aanan lagu gaarin si fudud balse loo baahan yahay shaqo adag, heelanaan iyo dedaal.

Waxaan ku kalsoonahay in Danjire Cumar aanu nasan doonin illaa iyo inta ammaan, xasillooni iyo horumar la gaarsiinayo guud ahaan Soomaaliya, “ayuu ku soo gabagabeeyay Madaxweynaha.

– DHAMAAD–

IB0A5381 IB0A5382 IB0A5394 IB0A5396 IB0A5399 IB0A5402 IB0A5406 (1) IB0A5406 IB0A5408 IB0A5409 IB0A5424 IB0A5427 IB0A5428 IB0A5460 IB0A5462