Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho (SAWIRRO)

Madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn loo hadal hayay imaanshiyihiisa ayaa saakay ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Garoonka waxaa ku soo dhaweeyay Guddi ay u xilsaartay dowladda federaalka oo uu horkacaya Wasiirka amniga Soomaaliya, Xildhibaano iyo masuuliyiin horey uga tirsanaa dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sababta uu u yimid magaalada Muqdisho waxaa lagu sheegay inay ugu horeyso sidii uu ugu dhawaaqi lahaa xisbi siyaasadeed oo isaga uu hoggaamin doono.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa tan iyo doorashadii looga guuleystay ee dalka ka dhacday kadib wuxuu ku maqnaa dalka Turkiga, halkaasi oo uu kula noolaa qoyskiisa