Magaalada Baladweyne oo weli socda dadaalo loogu gurmayo mas uuliyiintii doonida kula degatey beledweyne

Waxaa weli socda dadaalo loogu gurmayo laguna baadi goobayo dad isugu jira mas’uuliyiin iyo Shacab oo doon ay saarnaayeen kula degtay fatahaada Wabiga Shabeelle inta u dhaxeysa Magaalada Baladweyne iyo deegaanka Ceel-Jaalle.

Mas’uuliyiinta laga soo badbaadiyey doontaas ayaa waxaa kamid ah Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdi Fitaax Xasan Afrax iyo duqa degmada Baladweyne Safiyo Sheekh Cali Jimcaale iyo dad kale.

Weli waxaa jira dad lagu la’yahay doontaas,waxaana kamid ah dadkaas La taliyaha Arrimaha Haweenka Madaxweyanaha Hir-Shabeelle Dahabo Axmed Xasan iyo askar ilaalo u aheyd.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hir-Shabeelle iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Baladweyne ayaa waxa ay hataan wadaan dadaalo dadka fatahaada ku maqan oo ay doonta la degtay.