Magaalada Dhuusamareeb oo Xaley Nin Walaalkiis ku diley

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay Nin kamid ah dadka ku nool Magaaladaas uu diley Walaalkiisa la dhashay,kaddibna uu baxsaday.

Ninka wax dilay oo lagu Magacaabo Faa’id ayaa la sheegay in uu khilaaf soo kala dhex-galay Walaalkiis oo Magaciisa lagu soo gaabiyey Raage,intaasi kaddibna murankooda uu isku bedelay Gacan ka hadal taas oo keentay in mid kamid ah la dilo.

Dadka deriska la ah laba Nin ayaa waxaa ay sheegeen in maalmihii la soo dhaafay khilaafkooda laga dareemay Xaafada Waaberi ee Magaalada Dhuusamareeb oo ay deganaayeen,isla markaana dilka Ninka ay aad uga naxeen.

Laamaha Amniga Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa la sheegay inay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan Ninkii walaalkiis dilay,kaas oo la sheegay in qeybo kamid ah Magaalada uu u baxsaday.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay ilaa Maanta waxaa aad looga hadal haayaa dhacdadaas naxdinta leh oo mid kamid ah raga ku nool uu ku diley Walaalkiis.