Magaalada Marka oo Maanta xiran Goobaha Ganacsiga

Wararka naga soo gaaraya Magaalada ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Maanta ay xiran yihiin intaba Goobaha Ganacsiga Magaalada.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dhamaan Goobaha Ganacsiga Suuqa Wajeer Maanta la furin sababo la xiriira dhanka Amniga kadib markii falal amni darro ka dhaceen Magaalada Marka.

Mid kamid ah Ganacsatada Magaalada Marka ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay Magaalada Marka dadka lagu dhacayay, iyada oo Ciidamada ay Magaalada Marka ku sugan yihiin taasina ay cabasho ka yihiin.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in ka Ganacsato ahaan ay u baqeen hantidooda kadib markii dhowr jeer Kooxo Burcad ah ay dadka ka dhaceen Mobeelada ,isla markaana Ganacsigooda aysan furi doonin ilaa Amniga Magaalada uu ka hagaagayo.

labadii sano ee la soo dhaafay ayaa Amniga Magaalada Marka waxaa uu ahaa mid wanaagsan, hayeeshee la sheegay in Afartii maalmood ee la soo dhaafay ay kusoo bateen Kooxo burcad ah oo dadka dhac u geysanaya.