Maladhihi Karaa Pedro Wuxuu Halis Muuqata Ku Yahay Luis Suarez?.

Suarez, Pedro

Weeraryahanka ree Spain ee Pedro Rodriguez ayaa soo bandhigaya qaab ciyaareed halis galin kara weerar yahanka cusub ee kooxda Barcelona Luis Suarez.

Suarez ayaan ilaa hada gool ka dhalin horyaalka Spain 7 kulan oo uu saftay kooxdiisa Barcelona waxaana ka mid ahaa kulan kii Getafe kaas oo ku soo idlaaday 0-0.

 

Perdo ayaa dhaliyay 3 leey kulankii Copa del Rey ay Barcelona uga adkaatay 8-1 kooxda Huesca taas oo keentay in wargayska Mundo Deportivo oo ku tilmaamo in Pedro uu halis galin karo booska Suarez hadii uusan ku soo laaban sidii uu ahaa.

Taageerayaasha Barcelona iyo dadka falanqeeyay ciyaaraha ayaa ku eedaynaya tababare Luis Enrique in uu ka danbeeyo muuqasha la,aanta ku timid Suarez waxaana lagu micneeyay in qaabka uu u soo xusho shaxdiisa ay tahay mid aan ku haboonayn laacibka ree Uruguay.