Howlgalka dowladda Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa waxa ay sheegeen in ay fuliyeen duqeymo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya ,islamarkaana ay ku beegsadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.
AFRICOM waxa ay sheegeen duqeyntaasi in ay dhacday Subaxnimadii Axadda aheyd , waxaana ay beegsadeen xubno ka mid ah Al-Shabaab.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyntaasi ay ku dishay in ka badan 13 xubnood oo ka tirsan Ciidamada Al-Shabaab.
AFRICOM ayaa sidoo kale xustay in howlgalkaasi ay ka qeyb qaateen ciidamada dowladda ee sidda gaarka ah u tababar.
Ciidamada dowladda Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay si wadi doonaan duqeynta dagaalyahanada Al-Shabaab.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan duqeynta