Mareykanka Oo War Kasoo Saaray Duqeyn Uu Ka Fuliyay Somalia

Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa War kasoo saaray duqeyn dhinaca Cirka oo shalay oo Jimco aheyd ay ka fuliyeen deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraal kasoo baxay Taliska AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday laba dhismo ah oo Al-shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Kuunyo-Barrow ee Shabeellaha Hoose, ayna duqeyntaas fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn Dorone-ka.

Sidoo kale Taliska AFRICOM ayaa ma shaacin khasaaro ka dhashay weerarka laga fuliyay deegaanka oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab, iyagoona sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Hadalkaan kasoo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika e ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyadoo Al-shabaab saakay ay sheegeen in Mareykanka uu duqeyn la beegsaday Xarun Idaacadda Alfurqaan ee Shabaab ay ku leedahay Kuunyo-Barrow.

Shabaabka ayaa sidoo kale sheegtay in shaqaalihii ku sugnaa Idaacaddaas ay ka badbaadeen, isla markaana ay duqeyta diyaaradaha Mareykanka ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo goobta ka Agdhawaa, waa sida hadalka loo dhigay.

Dhinaca kale weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxy dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan duqeynta diyaaradaha Mareykanka ay fuliyeen Gobolka Shabeellaha Hoose deegaanka Kuunyo Barrow oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab.