Masar iyo Imaaraadka oo soo gebagebeeyey Dhoolatus Milliteri

Afhayeenka Ciiddanka dalka Masar, Tamer El-Rafaci ayaa sheegay in la soo gebagebeeyey Dhoolatuskii Wadajirka ee Milliteriga Masar iyo kuwa Imaaraadka ee lagu qabtay gudaha dalka Imaaraadka.

Dhoolatuskaasi oo loogu magac daray Zayed 3 waxay Labada Ciiddan tababarkooda u adeegsadeen Nidaamka Tababarka Milliteri ee ugu dambeeyey, Dagaalka ka dhanka ah Kooxaha ay ugu yeeraan Argagixsadda.

Ciiddanka Isku-dhafka ee Masar iyo Imaaraadka waxay kaloo Carbiska ku qaateen sida loogu dhex dagaalamo Deegaanadda ay dadka ku badan yihiin iyo Bartilmaameedyada Khaaska iyo qaababka loo kala furfuro Qaraxyada.

Dhoolatuskaasi oo socday muddo 2 isbuuc ah ayaa waxaa kaloo ka mid ahaa Casharo la xiriira Tababarka Milliteri, Hawlgalladda Sirdoonka, habka loo fuliyo Duullaanka wadajirka iyo Is-dhaafsiga Khibradaha ee caqabadaha ka taagan Mandiqadda.