Mas’uliyiin Booqdey Dad ku Dhibateysan Hareeraha Baydhabo SAWIRO

Mas’uliyiinta Maamulka Magaalada Baydhabo iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Dhexe ee Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta kormeerey Xeryaha ay ku noolyihiin Dadka Barakacayaasha ee ku yaalla Duleedka Degmada Baydhabo.

Masuuliyiintan oo isugu jirey Maamulka Degmada Baydhabo Xilibaanada Dowladda Dhexe iyo Gudiga Gurmadka qaran ayaa ugu Baaqey ugu horreyn Dowlada Dhexe in ay gatgaar deg deg ah la soo gaarto Dadkan barakacayaasha iyo sidoo kale hay’adaha dhanka Gargaarka iyaguna qaabilsan.

Dadka Barkacyaasha ah ayaa ku dhibaateysan kaamamka kuyaala duleedka magaalada baydhabo kuwaas oo Roobabkii maalmahan socdey saameyn weyn ku yeeshey una geystey khasaaro Naf iyo Maalba leh.

Inta la xaqiijiyey 3 qof ayaa ku dhimatey Xoolo fara badana wey ku baaba’een Roobabkii Faraha badnaa ee Shaley ilaa Xaley ka da’ayay Nawaaxiga Baydhabo.

Barakacayaasha ayaa Nolashooda ah mid liidata hadii aan laga soo gaarin ayaa waxaa laga yaabaa in ay u dhintaan macluul.