Maxa ka soo baxay kulanka Maanta dhexmaray RW Rooble iyo Cabdi Xaashi?

Waxaa Maanta kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiyaja Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii xal looga gaari khilaafka ka dhex-jira Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ee salka ku haaya doorashada kuraasta Gobolada Waqooyi ee ( Somaliland.

War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu yiri” Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan is-afgarad ku soo dhammaaday oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.