Maxa ka soo kordhey Magaalada Boosaaso?

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland ayaa xalay ilaa saaka waxaa ay howlgallo isku fidin ah ka wadaan Aaga Xaafadda Ridwaan oo uu ku yaallo Taliska Ciidanka PSF xilli weli aan wax ah laga gaarin xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii Agaasimihii Ciidamada Hay’adda PSF.

Shalay Guddiga Amniga Gobolka Bari shir ay yeesheen ayay ku go’aamiyeen in la sameeyo howlgallo Ciidan, waxaana taasi ay dhalin kartaa inay dagaalamaan Ciidamada Ammaanka Puntland iyo kuwa PSF-ta.

Dadka kunool Xaafada Ridwaan ee Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay dareemayaan cabsi iyo culeys ciidan, iyada oo ay jirtay dad ggoor sii horreysay barakacay, waxaana Ciidamada PSF ay kujiraaan aagagooda difaaca.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa socday dadaalo ay wadeen Isimada Gobolka Bari, kaas oo ku aadan sidii wada-hadal loogu dhameyn lahaa xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii Agaasimihii Ciidamada Hay’adda PSF.