Maxaa ka soo baxay Shirkii Maaliyada ee Kismaayo ka socday?

Waxaa la soo gaba-gabeeyay shirkii wasiirada maaliyadda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah oo Maanta Kismaayo uga socday iyadoo wasiiradu ku heshiiyeen sii xoojinta dib-u-habaynta nidaamka maaliyadda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Shirkan ayaa waxaa si rasmi ah u furay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, isla markaana waxaa ka qeyb galay Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiirada maamu Goboleedyada dalka ka jira.