Maxaa looga hadley Shirka Golaha Qasiirada Koonfur Galbeed?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta shir guddoomiyay shirka isbuuclaha ah ee golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shirka ayaa looga hadlay Ammaanka guud ee deegaanada Koonfur Galbeed iyo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira qaar kamid ah Magaalooyinka Koonfur Galbeed, Madaxweynaha ayaa sidoo kale warbixino ka dhageystay Wasiirro ay ka mid yihiin Amniga iyo Maareynta iyo Musiibooyinka.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo mudo todobaad ah socdaal u kuurgelid xaaladda bani’aadan ugu maqnaa Degmada Xudur ayaa ugu warbixiyay Gollaha Wasiirada, isagoona sheegay intii uu kusugnaa Magaalada Xudur in waxbadan ka qabsoomeyn xaaladii kajirta inta dhimana la dhameystiri doono.