Maxaabiis caawa laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqidsho caasimadda Soomaaliya waxaa maqribnimadii caawa ka soo degtay Diyaarad gaar ah oo siday Maxaabiis Soomaaliyeed oo laga keenay dalka Hindiya.

Maxaabiistan Soomaaliyeed oo tiradooda ay gaareyso 41 ayaa waxaa dalka Hindiya kala yimid Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Safiirada Soomaaliya ee dalka Hindiya iyo xubno kale.

Garoonka Diyaaradaha Maxaabiista Soomaaliyeed waxaa ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Golaha Shacabka JFS Mahad Cabdalla Cawad, Wasiirka Amniga, Wasiirka Cadaaladda, Wasiirka Caafimaadka, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Maxaabiistan Soomaaliyeed oo isugu jiray kuwo dhalinyaro ah iyo kuwo Da’ah ayaa wajiyadooda waxaa ka muuqatay Diif iyo Daal, maadaama mudo ay ku xirnaayeen Xabsiyo ku yaalla dalka Hindiya, safar dheerna ay maanta soo galeen.

Maxaabiista haatan dalka la keenay ayaa horey racfaan u qaatay oo ah in laga qafiifiyo waqtiga, balse waxaa diiday Maxakamad ku taalla dalkaasi, oo go’aamisay in xukunkoodi ay dhameystaan.

Dhalinyaradan Soomaaliyeed ayaa dalka Hindiya waxaa lagu xiriray sanadkii 2011-kii, kuwaasi oo ilaa waqtigaas ahaa Maxaabiis xaaldooda ay aad u liidato, balse waxay danaynayeen in mar qura ay arkaan iyagoo jooga dhulkooda Hooyo, tii ayaana dhacday maanta, kadib dadaal dheer oo ay bixisay Dowladdan hada jirta.