Maxakamada Ciidamada Jubaland Oo Xukun Ku Riday Rag Lagu Soo Qabtay Maandooriyaha Qamriga.

October 08 2015 ( Radio Baidoa) Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Jubada Hoose wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in  Maxakamada Ciidamada Jubaland maanta xukun ku riday todobo ruux kuwaas oo lagu soo eedeeyey in ay ka ganacsanaayeen waxyaabaha Maanka dooriya Qamriga, kuwaas oo la sheegay in magaalada dhexdeeda ku iibinaayeen.

Maxakamada ciidamada jubaland ayaa dadkan ku xukuntay seddex bil oo xarig ah iyo lacag gaaraysa min shan kun oo dollarka mareykanka ah, gudoomiye ku xigeenka maxakamada ciidanka jubaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa sheegey in ciidama amaanka ee maamulka jubaland ay howlgalo kasameeyeen, islamarkaana ay ay kusoo qab qabteen rag magaalada dhexdeeda ku iibinaayey maandooriyaha.

Dhinac kale Maxamkamada ciidamada Jubalanad ayaa sii daysay rag kale oo horey u xirnaa xabsiga magaalada Kismaayo, kadib markii wax danbi ah lagu aayey sida ay maxakamada sheegtay.

Radio Baidoa

Waxaad Nagala Xiriiri Kartaa

hashimmalaaq@gmail.com