Maxakamada Ciidamada oo Xukun Dil ah ku fulisey Askari dil geystey

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad ayaa Maanta dhageysatey Dacwad Ciqaabeed loo heystay eedeysane D/Le Xoogga , Cabdi Waaxid Axmed Faarax oo horay dil uga geystay askari kale oo lagu Magacaabi jiray Sadax xarigle XDS , Maxamuud Saciid Nuur oo ka tirsanaa ilaalada Taliyaha qeybta 21-aad.

Maxkamada oo dhageysatey baarista xafiiska Xeer ilaalinta iyo qiraalka eedeysanaha sidoo kalena dhageysatey Marqaatiyaasha ku sugnaa Goobta falku ka dhacey ayaa Dambiile C/Waaxid Axmed Faarax waxaa ay ku Xukuntay dil Toogasho ah oo noqonaya qisaasta Marxuum Saddax Xarigle XDS , Maxamuud Saciid Nuur.