Maxay ka wada hadleen Guddiga doorashooyinka Heer Federaal & Guddiga Amniga doorashooyinka?

Waxaa xalay Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Guddiga doorashooyinka Heer Federaal iyo Guddi hoosaadka Amniga doorashooyinka ee uu hoggaaminayo Taliyaha Booliska Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarayay sugidda iyo xaqiijinta amniga doorashooyinka iyo sidii ay wadashaqeyn buuxda u dhexmari laheyd labada Guddi si dalka uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Guddoomiyaha Guddi hoosaadka Amniga doorashooyinka ahna Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay wadaan diyaar garow xooggan oo la xiriira sugidda amniga doorashooyinka dalka.

Guud ahaan dalka ayaa waxaa ka socda u diyaar garoowga doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal iyo tan Madaxweynaha oo la soo saaray jadwalkii lagu dooran lahaa.