Maxey kawada hadleen Farmaajo iyo Mousa faki

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay Gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, waxaana uu kala hadlay Ammaanka iyo sidoo kale Abaaraha ka jira Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyaha waxaana uu uga warbixiyay Abaaraha saameeyay dadka Soomaaliyeed ee ka jira guud ahaan Soomaaliya.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya xilligaan ay ka jirto Abaar Baahsan , islamarkaana ay ku dadaali doonaan sidii wax looga qaban lahaa.
Gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo Ra’iisal Wasaaraha dalka uu soo dhaweeyay.
30-kii Junuaray ayaa Xubnaha Ururka Midowga Afrika ay u doorteen Mudane Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad,ahna wasiirka arrimaha dibad dalkaas in uu noqdo Gudoomiyaha Cusub ee Ururka Midowga Afrika sanadaha soo socda.
Waana Booqashadii ugu horeysay ee uu kusoo gaaro Muqdisho tan iyo markii loo doortey Gudoomiyaha midowga Africa .