Maxkamadda Ciidamada G/Hiiraan oo xukun ku riday dad lagu eedeeyay Shabaab

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Gobolka Hiiraan, ayaa xukun waxa ay ku riday dad lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, kuwaasi oo maalmihii dambe uu socday kiiskooda.

Maxkamadda ayaa xukunka ku riday xubno ku sugnaa maxkamadda iyo qaar ka maqan gacanta ciidamada, kuwaasi oo eedeyntooda ay aheyd inay ka tirsan yihiin Al Shabaab.

C/casiis C/laahi Xasan oo ka tirsan Saraakiisha maxkamadda ciidamada Qalabka sida Qaybta 27-aad ee Gobolka Hiiraan ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday dadkaan.

Shariif Macalin Xasan oo lagu eedeeyay inuu ku tuuray ciidamada Bam, ayaa waxa ay maxkamadda ku xukuntay sided sano oo xabsi ah.

Sidoo kale, maxkamadda ayaa xukun ku ridday Raaxo Abuukar Deexey oo maqane ah iyo C/naasir Muxumad Maxamed oo isna maqane ah, laguna eedeeyay inay Al-Shabaab u gudbin jireen walxaha qarxa, una kala gudbin jireen gobollada dhexe iyo Puntland ayaa waxay ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah.

Maxkamadda ayaa waxay dhanka kale xukun ku riddey C/laahi Suldaan Maxamuud oo lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Al-shabaab, horayna u gowracay Saddex qof, waxaana lagu xukumay xabsi daa’in.