Maxkamadda ICC oo maanta go’aan ka gaareysa dacwada William Ruto

April 5 (Radio baidoa)— Maxkamada Caalamiga ee dambiyada dagalka ICC ayaa maanta lagu wadaa inay go’aan ka gaarto dacwada loo heysto Madaxweyne kuxigeenka Kenya William Ruto iyo wariye Joshua Arab Sang, kuwaasoo loo heysto eedo la xiriira qalalaasihii dadka faraha badan lagu dilay doorashooyinkii muranka ka dhashay ee Kenya ka dhacay sanadkii 2007.

Xaakimka Maxkamadda ICC ayaa la filayaa in kiiska loo heysto ee dambiyada ka dhank bani’aadanimada in meesha laga saaro iyo in kale.

Qareenada u doodaya Mr Ruto ayaa sheegay in dambiga loo heysto uusan ku lug laheyn, iyadoo markhaatiyaal muhiim ah ay isaga baxeen, iyadoo ka laabtay hadalo ay horay u sheegeen.

Dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee dambiyada Fatou Bensouda ayaa qirtay in markhaatiyada ka baxay ay kiiska ka dhanka ah Madaxweyne kuxigeenka ka dhigeen mid daciif ah, hase yeeshee waxa ay ku dooday in ay hayaan caddeymo ku filan oo ay ku sii wadi karaan maxkamadeynta.

Sanadkii 2014 ayay aheyd markii dacwad oogaha Maxkamada ay meesha ka saartay eedeymo loo heystay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.