Maydka nin ka tirsanaa Shabaab oo la keeney Magaalada Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ayaa waxaa la keeney maydka nin la sheegay in uu ka tirsanaa Al Shabaab oo lagu dilay inta u dhaxeysa Buurhakabo iyo Magaalada Baydhabo, kadib markii ciidamada Shabaab iyo kuwa Koonfur Galbeed ay wada dagaalameen.

Saraakiisha ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay ninkaan ka tirsanaa Shabaab in lagu dilay dagaalka, xilli dagaalyahanada Shabaab ay isku dayeen inay wadada u galaan gaadiid qaad siday.

Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa soo qaaday maydka ninkaan Shabaab ka tirsanaa, kaasi oo hadda yaalla Saldhiga Booliska Magaalada Baydhabo, sida uu xaqiijiyey sargaal sare oo lagu magacaabo cabdulle isaaq

Saraakiisha ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed waxa ay sheegeen inay jiraan xubno kale oo Shabaab ka tirsanaa oo dagaalka lagu dilay, balse maydka ay qaateen xubnihii Shabaabka ahaa.