Mid ka mid ah madax dhaqameedka Burco oo xabsiga loo taxaabay

Suldaan Nadiif Saydh Jibriil oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland ayaa maanta lagu xirey magaaladda Burco ee gobolka Togdheer.

Suldaan Nadiif Saydh Jibriil waxa uu ka mid yahay madax dhaqameedka beelaha Gabooye, haseyeeshee ciidanka amnigu kama hadal sababta xarigiisa ka dambaysay.

Xoghayaha Cadaaladda ee xisbiga WADDANI Barkhad Jaamac Xirsi Batun ayaa ka hadlay xariga Suldaanka, waxaanu ku tilmaamay xadhigaasi mid khalad ah.

“Suldaan Nadiif oo ah Suldaanka Gabooye ee Gobollada Berri ayaa Saldhiga Burco lagu xidhay. Qofna sharciga kama sarreeyo waxaas’e jirin fal denbi ah oo Suldaanka gacanta kula jiray isagoo aqalkiisa jooga ayaanay ciidamaddu soo xireen. Sida uu xaqiijyey Garaadka Guud ee Beelaha Gabooye Garaad Yoonis Garaad Haybe.

”Waxaan ugu baaqeyna inu Odeygaas dhaqan xorriyadiisa deg deg loogu celiyo gafkaa laga galayna xaal laga siiyo. Sharciga sallaadinta kale xiri waayey ee kan xiray halkuu ka shaqeeya?”ayuu yiri Barkhad Batuun.

Ciidanka amnigu kama hadal sababta loo xidhay, waxaana la filayaa inay saacadaha soo socda ka hadli doonaan.