Mudanayaal Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Eed Dusha Uga Tuuray Madaxda Ugu Sareysa Dowlada.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanaka Soomaaliya islamarkaana ah kuwii Mooshinka ka keenay Baarlamaanka Jubbaland ayaa sheegay in Mooshinkaasi la qaado ay ka danbeeyso Madaxtooyada Soomaaliya Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Qaarkood ayaa tilmaamay in Mooshinkaas horyaala Baarlamanaka uu Maalinkii Labaad u baaqaday Kooram la’aan islamarkaana ay tahay Qorshe ay wataan Madaxtooyada iyo Guddoonka Baarlamaanka.

Baarlamaanka Federaalka ayaa shalay u balan sanaa in Codka loo qaado Mooshinka ka dhanka ah Xildhibaanada Jubbaland iyo qaabka loo dhisay,balse waxaa uu u baaqday Kooramka Xildhibaanada oo aan dhameystirneyn.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa horay u dalbaday in la hakiyo Mooshinkaas inta ay Xal ka gaarayaan Guddi ay Xukumaddu Magacawday,waxaana jirta in Baarlamaanka uu wali wado Mooshinka.

HALKAN KA DHAGEYSO: