Mudane Maxamed Aadan(Fargeeti)oo Maanta ku dhawaaqey Musharaxnimadiisa KGS

Maxamed Aadan Fargeeti ayaa Maanta ku dhawaaqey Musharax nimadiisa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Xaflad ballaaran oo maanta lagu qabtey Magaalada Baydhabo.

Xafladan ballaaran ee uu kaga dhawaaqey Musharaxnimadiis ayaa waxaa ka soo qeybgaley Bulshada Qeybaheeda kala Duwan sida dhallinyarada Haweenka Odayaal Dhaqameedyada iyo Masuuliyiin ka mid maamulka Koonfur Galbeed oo ay ka mid yihiin Xildhibaano.

Ka qeyb galayaasha Xafladaasi ayaa si weyn u soo dhaweeyey ku dhawaaqista Mudane Fargeeti Musharaxnimadiisa waxaana ay ku baaqeen in la doorto.

Xildhibaan Cabdow Caasi oo ka mid ah Xildhibaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo goobtaasi ka hadley ayaa sheegey in ay doonayaan is bedel in uu ka dhaco hogaanka KGS waxaana uu taageero u muujiyey                                mudane Maxamed Aadan (Fargeeti)

Dhawaan ayaa la filayaa in ay dhacdo Doorashada Madaxweynenimo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaana isu soo sharaxay Musharaxiin Farabadan iyadoona kuwo kale la filayo in ay ku dhawaaqaan maalmaha soo socda.