Munaasabad Lagu Taagyareyay Musharaxnimada Madaxweynaha Dowladda Koonfur galbeed soomaaliya oo lagu qabtey Magalada Baydhabo(Sawirro)

Munaasabad Lagu Taagyareyay Musharaxnimada Madaxweynaha Dowladda Koonfur galbeed soomaaliya iyo waxqadkiisa aya maanta lagu qabtey Magalada Baydhabo ee xaruunta gobolka baay .

waxaa ka soo qeyb galey wasiiro ,Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka soomaliya iyo Xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka koonfur galbeed Maamulka Gobolka Baay, Maamulka Degmada Baydhabo, Gudoomiyaha Degmada Waajid, Gudoomiyaha Degmada Diinsoor ,odayaal iyo ururada Bulshada rayidka Qeybahooda kala Duwan.

iyagoona Dhamaantooda Amaaney Waxqabadka Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed soomaaliya Mudane Shariif Hassan Sheikh Aden ,

waxana ay bogaadiyeen in mar kale isa soo sharaxo Madaxweynimada Maamulka Koonfur Galbeed soomaaliya .

Odayaashii iyo Mas’uuliyiintii Goobta ka hadashey ayaa waxaa ay baaq udireen Xildhibaanada Baarlamanka koonfur Galbeed soomaaliya in ay Codkooda siiyaan Madaxweyne Shariif Hassan Sheikh Aden si uu Howshiisa meesha uga siiwato