Munaasabad lagu weynaynayey Dhalashada Nabi Muxamed N.N.K.H oo maanta lagu qabtay Magaalada Baydhabo

Munaasabad lagu weynaynayey Dhalashada Nabi muxamed N.N.K.H oo maanta lagu qabtay Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay,waxana Munaasabada ka soo qeyb galey wasiirka wasaradda warfaafinta wacyigelinta bulshada KGS, Mudane Ugaas Xasan Abdi Mohamed wasiirka wasaarada Arrimaha diinta iyo Owqaafta KGS, Xildhibaano , Culimaa’udiinta Soomaaliyeed Macalimiin iyo Mas’uliyiin kale,

Waxana Dhamman Madaxda iyo Culimada Socod dheer kusoo mareen wadada weyn ee Magaalada Baydhabo si loo weyneeyo Dhalashada Xabiibkeeni Muxamed SWC.