Munaasabadda Maalinta AFRICA ayaa lafilayaa inay soomaaliya kaqeyb gasho

Danjiraha Dalka Soomaaliya u jooga dalka Kuwait Cabdillaahi Maxamed Odowaa oo la hadley warbaahinta ka hawlgasha dalka Kuwait ayaa faah faahin ka bixiyey munaasadda ay ka qeyb-galayaan ee xuska Maalinta AFRICA.

Shirkan Jaraa’id oo ka qabsoomey Hotel Crowne Plaza ayaa Guddiga Qaban-qaabadda munaasabadda ‘Maalinta Africa’ kaga war bixiyeen barnaamijyadda iyo wadamadda ka soo qeyb-galaya munaasabaddan.

Dabaaldaga ‘Maalinta Africa’ oo ku beeggan 8/12/2019, ayaa waxa la rajeynayaa in dawladdaha Afrikaanka ah ee Safaaradaha ku leh Kuwait, oo tiradoodu soddon ka badantahay , ay soo bandhigaan dhaqankooda iyo horumarka kala duwan ee wadamadoodda ka socda.