Munaasabadda Sanad Guurada 1aad ee Hogaanka KGS oo Caawa Baydhabo ka socota

Magaalada Baydhaba Caawa waxaa ka socota Xaflad si weyn loo soo Agaasimey taas oo lagu Xusayo looguna Dabbaal Dagaayo Hal Sano Guuradii ka soo Wareegatey Markii La Doortey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.

Munaasabadan ayaa waxaa ku Sugan Wafuud kala Duwan oo Ka Socda Dowlada Faderaalka Soomaaliya Oo ugu Horeeyo Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare, Madax kale oo ka Socda Maamul Goboleedyada kale ee Dalka Madaxda Maamulada Saraakiisha Ciidanka qeybahooda kala duwan Gudoomiyaasha Gobolada iyo Degmooyinka KGS, Fanaaniinta Kooxda Onkod, Waabari iyo Marti Sharaf kale.

Xaflada Ayaa Inta ay Socto lagu Soo Bandhigi Doonaa Khudbado kala Duwan oo looga Hadlaayo Waxqabadka Madaxweyne Lafta-gareen iyo Xukumadiisa oo ay jeedin doonaan Mas,uuliyiinta kala duwan ee Caawa ka qeybgalaya Xafladan Sanad guuradan 1aad ee Markii la Doortey Hogaanka Koonfur Galbeed ee haatan oo Asagana jeedin doona Khudbad uu kaga hadlayo waxqabadkiisa halkii Sano ee la soo dhaafey.