Muqdisho: Xus baroor diiq ah oo maanta lagu qabtey isgoyska Soobbe

Magaalada Muqdisho waxa ka dhacay xus baroor diiq ah oo lagu xasuusanayo dadkii ku dhintay qaraxii ugu weynaa ee ka dhacay magaalada muqdisho.

Baroor diiqdan ayaa la qabanayaa maanta oo 14 Oktoobar oo ah  sannad guuradii koobaad ee ka soo wareegtay markii qaraxii lagu hoobtay ka dhacay isgoyska Soobbe ee magaalada Muqdisho.

Dadweyne faro badan ayaa isugu soo baxay goobtii qaraxu ka dhacay, waxaan goobtaa la dhigay sameecado waaweyn oo ayaad Qur’aanka Kariim ka ahi ka socdo.

Waxaana meesha ka hadley madaxda dawladdu oo ka qayb galay ducadaa iyo baroor diiqda goobtaasi ka socotey khudbadona halkaa ka jeediyey.

Waxaana sidoo kale ka qeybgaley baroordiiqda Culimada Soomaaliyeed qaarka mid ah waxaana ay halkaasi ka jeediyeen khudbado kala duwan oo ay shacabka wax ugu sheegayeen waxaana ay sheegeen dhacdadii 14ka Octoibar ee dadka badan lagu laayey in ay aheyd wax baalmarsan diunta Islaamka.