Musharaxiin aad u Culus oo soo gaarey Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa  waxaa soo gaaray ilaa 5 Musharax oo u taagan xilka madaxweynimo ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Musharixiintan soo gaaray  Magaalada Baydhabo waxaa ugu cad cad Mudane Maxamed Aadan Farkeeti oo horey usoo noqday Wasiirkii Maaliyadda dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh. Sidoo kale musharixiinta soo gaartay magaalada Baydhabo ee Caasimada Gobolka Bay  waxaa kamid ah :

 

1) Mudane Maxamed Aadan Farkeeti

2) Mudane Maxamed Maxamuud Boonow
3) Mudane Yuusuf Baadiyow
4) Mudane XUSEEN XASAN CABDI

5) Aamina Mursal oo ah Gabadha kaliya ee isku soo taagtay musharxnimada Koonfur Galbeed wali lasugaayo. Saadaasha doorashada Koonfur Galbeed ayaa ah mid aad u adag waxaana muuqato inuu Shariif Xasan la kulmayo cadaadis aad u weyn.

6) Musharaxa sameynweyn ku lex Shacabka Reer KGS  Mudane Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo horey uga tirsanaa masulintii  sarsare ay is ku khilaafeen laynta umada soomaaliyeed Kuwa Nabadiidka ah  balse markii dambe aan ku qancin siyaasadooda iyo Qaabka ayaa dadaka ula dhaqmaan  oo soo gaari doona magaalada Baydhabo arbacda.

Dadka sida weyn uga war hayo xaaladda Koonfur Galbeed ayaa aaminsan in Fargeeti iyo Roobow uu noqon doono madaxweynaha xiga Koonfur Galbeed haddii uuba meesha ka baxayo Shariif Xasan Sheekh aadan oo aan taageero badan ka heysan Beelaha wada dhistay maamulkaas.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu eedeeyaa inuu yahay nin aan ka shaqeyn danaha Maamulka Koonfur Galbeed balse halkaas ku ilaashado sidii uu ugu sii jiri lahaa Siyaasadda dalka isla markaasna uu dowladda dhexe wax ula qeybsan lahaa.

Odayaasha Beelaha kala duwan ee Koonfur Galbeed soomaaliya oo saxaafadda kula hadlay Magaalada Baydhabo ayaa tilmaamay in Shariif Xasan uu dhibaato xoog leh ku hayo Koonfur Galbeed loona baahan yahay isbadal deg deg ah.