Musharixiinta Oo shaaciyay dalab la xiriira Guddiyada Doorasho ee la soo Magacaabayo

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay dadaalada lagu dhaqan gelinayo heshiiskii doorasho ee lagu saxiiay Magaalada Muqdisho, taas oo fulinteeda ay bilaabeen Guddiga xaqiiqo raadinta ah ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ee loo xil saaray kala shaandheynta xubnaha cabashada laga keenay ee guddiyada doorashada heer Federaal & heer Dowlad Goboleed

Qoraal kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in shaqada Guddiga xaqiiqo raadinta ah ay noqoto mid miradhasha, isla markaana ay soo badnhigaan Gudiga hannaanka loo maray kala shaandheynta xubnaha guddiyada doorashada ee cabashada ay ka keeneen.

Ugu dambeyn Xubnaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa dalbaday in magacaabista xubnaha cusub ee guddiyada doorashada ay noqdaan kuwo loo maray habraac iyo hannaan daah furan oo ku saleysan habraacyadii iyo heshiisyada doorashooyinka, ee lagu gaaray muqdisho si loogu kalsoonaado.