Muxuu kayiri Laftagareen Kulanka dhexmaray Xilibanada ka so gala KG?

Magaalada Muqdisho waxaa xalay lagu qabtay munaasabad oo soo agaasimay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana ka qaybgalay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, Xildhibaannada & Senatarada kasoo jeeda DG KGS.

Kulankaan ayaa looga hadlay sidii xal buuxa looga gaari lahaa xildhibaanada horay uga soo horjeeday Madaxweyne Laftagareen, islamarkaana doorashada soo socotaa ay u noqon laheyd mid lagu wada qanacsanyahay.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in Koonfur Galbeed ay la socoto dhibaatooyinka laga soo maray dowladnimada, islamarkaana hanaan Cadaalad ay u dhici doonto doorashada labada Aqal ee degaanada Koonfur Galbeed.

“Kuraastaan qaarkood dadka u fadhiga waa looga xaq leeyahay, dad baa u dhintay, waa in la qadariyo laguna xushmeeyo ehelkooda, xitaa waxa aan heynaa in kuraasta qaarkood in xaq weyn ku leeyihiin dad nool, nin waliba waa in lagu ixtiraamo waxa uu ahaa” ayuu yiri Madaxweyne Lafta Gareen.

Xildhibaanada ugu badan ayaa laga soo doortaa degaanada maamulka Koonfur Galbeed, waxaana dalka dhawaan la isku raacay in doorashadiisa ay noqoto mid dadban.