Muxuu yahay U jeedka safarka madaxweyne Farmaajo ee dalka kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shalay waxa uu booqasho rasmi ah ku tagay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay ujeedka Madaxweynaha Kenya uu u tagay Kenya in ay tahay ka qeyb galka shir looga hadlayo arrimaha Qaxootiga Dhadhaab oo maanta Kenya ka furmaya iyo shirka IGAD oo gelinka dambe ee Jimcaha furmaya, kaasi oo isna looga hadlayo Qaxootiga ku daadsan qaar ka tirsan dalalka Afrika.
Safiirka Dowladda Soomaaliya ee Kenya Jamaal Maxamed Xasan dhowaana loo magacaabay Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga Soomaaliya ayaa sheegay in ay rajeynayaan guulo in ay ku soo dhamaadaan shirarkan, wax badana ay ka soo bixi doonaan.
Waa safarkii Labaad uu Madaxweyne Farmaajo ku aado dalka Dibaddiisa, kadib markii 8-dii Febraayo ee sanadkan loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ka horeeyay safar uu ku tagay dalka Sacuudiga.