MW Farmaajo Oo Gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya maaxmed Cabdulaahi farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta maamul Goboleedka Galmudug, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo mas’uuliyiin kale ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaraha Caasimadda Galmudug ee Ugaas Nuur Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Socdaalka Madaxweynaha JFS Farmaajo ayaa la xiriira qabsoomida shirkii u dhawaan ku baaqay ee dhexmari doona Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, shirkaas oo ay marti gelineyso Dowlad Goboleedka Galmudug.