MW Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida cayaartooyda qaraxa lala beegsaday

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida dhallinyarada ciyaartooyda ah ee argagixisada Al-Shabaab ay ku xasuuqeen qaraxa ka dhacay Kismaayo, ayaa tilmaamay in falkaasi uu ka marag kacayo sida ay argagixisadu cadow ugu tahay nolosha dhallinyarada Soomaaliyeed.