MW Farmaajo oo shir isugu yeeray Xisbiyadda dalka ka jira

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa shir deg deg ah isugu yeeray Xisbiyadda dalka ka jira ee ay diwaangaliyeen Guddiga doorashooyinka Qaranka.

Xubno ka mid ah xisbiyadda ayaa Risaala u sheegay in Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda uu ku wargaliyay Casuumadda Madaxweyne Farmaajo.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo xisbiyadda ayaa dhici doona maalinta berri ah.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma xaqiijin karo waxyaabaha laga wada hadli doono, waxaana casuumaadaan ay timid xilli maanta uu la kulmay Madasha Xisbiyadda Qaran ee dalka.