MW Galmudug oo la kulmay Wafdiga ka socday QM

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, ayaa Xarunta Madaxtooyada kula kulmay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho iyo wafdi ay Hoggaaminayso oo maanta gaaray Magaalada Dhuusmareeb.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Galmudug, arrimaha Doorashooyinka iyo sidii loo dardar gelin lahaa,amniga doorashada iyo Arrimaha horumarinta.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhinaca kale ka warbixiyay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo guulihii u danbeeyay oo laga gaaray. Madaxweynaha ayaa dhinaca kale ka warbixiyay xaaladaha bini’aadanimo ee soo foodsaaray shacabka ku sugan deeganada dhawaan laga saaray Ururka Al-Shabaab.

Dhinaca kale, wafdiga ayaa kulan doceed la qaatay Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug Marwo Faadumo Cabdi Cali (Faandhe) iyo xubo kale.

Wafdiga ka socda Qaramada Midoobay ee gaaray Maanta Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Magaaladaas ay ka socdaan howlo la xiriira diyar garoowga doorashada, isla markaana ay kusii qul qulayaan musharixiin farabadan.