MW Koonfur Galbeed Oo Qaabiley G/Jaaliyadda KG Ee Waqooyiga America

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xafiiskiisa kula kulmey Gudoomiyaha jaaliyadda Koonfur Galbeed ee waqooyiga America Samafale Haaji Aadan oo booqasho kujooga magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa Gudoomiyaha ugu mahadceliyey sida geesinimada leh ee uu uga qeybqaadanaayo horumarada Deegaanada, isagoona jaaliyadaha kale ugu baaqey inay ku dayadaan islamarkaasina ay ka qeybqaataan dhismaha iyo horumarinta Deegaanada Koonfur Galbeed.