MW Laftagareen Oo 61 sano guurada Xorriyadda Dalkeenna ee 1da Luulyo ugu Hambalyeeyey Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 61 sano guurada Xorriyadda dalkeenna ee 1da Luulyo.

Waxaa sidoo kale xalay magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu xusaayay Kowda Luulyo oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cali Saciid Fiqi iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay Munaasabada 1da luulyo 61-guuradii kasoo wareegatay markii Gobolada Koonfur ay Xuroobeen ayna Midoobeen Gobolada Waqooyi iyo Koonfur.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Kowda Luulyo ay tahay maalin qiimo badan oo dadka Soomaaliyeed ay ku bixiyeen dadaal bdan.

“Waaxan Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan Sanad guurada 61aad ee ka soo wareegtay Xorriyaddii Gobollada Koofureed ee dalkeenna, Midowgii Koofur iyo Woqooyi iyo Dhalashadii Qarankeenna.

Waxaan abaal u haynaa, ku faaneynaa, una duceyneynaa aabbeyaashii u soo halgamay, soona hooyay xorriyadda aan ku naallooneyno kuwaas oo guushaas ku gaaray isku duubni, wadajir, walaalnimo iyo is-jaceyl.

61 sano ka dib, waxaan baahida ugu weyn u qabnaa midnimo iyo wadajir oo ah jidka kaliya ee aan ku gaari karno horumarka aan hiigsaneyno, kulana tartami karno dalalka iyo dadyowga asaaaggeen ah.