MW Laftagareen Oo Baydhabo ka daahfurey Wajiga 2aad Tallaalka Covid-19

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Maanta Daahfurey Talaalka Senopharm oo ah mid looga hortago Cudurka Covid19 oo Dalka soo gaarsiisey Dowlada China Oo ay ugu Deeqdey Dowladeena Soomaaliya,

Wasaarada Caafimaad Dowlada Fedaraalka Soomaaliya ayaana soo gaarsiisey Talaalkan Deegaanda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyadoona ay ka guddoontey Wasaarada Caafimaadka Koonfur Galbeed Soomaaliya,

Talaalkan Uu maanta Madaxweyne Laftagareen ka daahfurey magaalada Baydhabo ayaa ah wajigii labaad ee Tallaalka loogu talagalay in looga hortago Cudurka Safmareenka ah ee Covid-19 iyadoona midkii koowaaad horey wasaarda Caafimaadka Koonfur galbeed ay horey sidan ookale ay uga daahfurtey Deegaanada Koofur Galbeed lana geeyey Degmooyin dhowr ah oo kamid ah Deegaanada koonfur Galbeed,

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya nMudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen Oo maanta qaatey Tallaalkan ayaa Shacabka Deegaanada Koonfur Galbeed Ugu Baaqey in ay qaataaan Tallaaalkan uuna yahay talaalkan mid la is ku halleyn karo oo uu soo marey baaritaan iyo Tijaabooyin Caalami ah