MW Laftagareen oo Ciidamada faray inay kordhiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) ayaa sheegay in Ciidamada Qalabka sida looga baahan yahay inay noqdaan kuwa anshaxa Ciidamannimo ilaaliyo, isla markaana isku ixtiraamo sida ay u kala darajo sareeyaan.

Waxaa uu sheegay laftagareen, isaga oo ka qeyb galayay kulan ka dhacay magalada Baydhabo ayuu sheegay in mararka qaar ay dhacdo in askarta ay amar diido ka sameeyaan Saraakiisha kas areeysa taasina aan loo baahneyn.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) ayaa Ciidamada uga digay inay ka mashquulaan waajibadkooda Shaqo iyo dagaalka ay kula jiran Al-Shabaab.

Hadalka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli degano ka tirsan Maamulkaas uu ka socdo dagaalo u dhaxeeya Ciidamada dowladda & Al-Shabaab.