MW Laftagareen oo ka tacsiyeeyay geerida cayaartooyda qaraxa lala beegsaday

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shacabka iyo dowlad goboleedka Jubbaland uga tacsiyeeyey dhalinyaradii lagu dilay qaraxii galabta ka dhacay magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Laftagareen ayaa wacad ku maray in mar aan dheereyn laga guuleysan doono nabadiidka caadeystay daadinta dhiigga umadda Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in meel looga soo wada jeesto Argagixisada.

Hoos ka eeg qoraalka uu soo saaray Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Waxaan Dowladda iyo shacabka Jubbaland uga tacsiyaynayaa qaraxii argagaxisadu maanta kala beegsatay Kooxda Kubadda Cagta magaalada Kismaayo. Naxariistii janno Allaha ka waraabiyo dhalinyaradii ku geeriyootay, inta dhaawacana Allaha caafimaad degdeg ah siiyo Insha’allah.

Kooxaha argagaxisada ah ee caadeystay daadinta dhiigga umadda Soomaaliyeed waan ka guuleysaneynaa kana sifeyn doonaa deegaanada oo dhan.

Waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacab iyo dowladba in aan meel uga soo wada jeesano cadowga ummadda Soomaaliyeed.