MW Laftagaren Shir-Gudoomiyey Kulan looga Hadlayey Amniga iyo Dib ufurida Wadooyinka G/Bakool:-SAWIRO

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa kulan looga hadlayey Dar-Dar gelinta Xaqiijinta Amniga iyo Dib ufurida Wadooyinka ay Go,doomiyeen Argigixisada Alshabaab ee Gobolka Bakool waxa uu la qaatay Sarakiisha Laamaha Amniga

Kulanka Waxaa sido kale ka qeybgalay Wasiiru Dowlaha Arimaha Gudaha Dowlada Federaalka Mudane Aadan Abdinaasir Maxamed Wasiiro ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Lataliyaha Madaxweynaha Arimaha Siyaasada Mudane Aadan Maxamed Nuur (Soron-Soor) iyo Taliyaha Qeybta 60aad CXD General Maxamed Shekh Cabdulaahi Ciirow.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo xalay ku hoyday degmada Xudur ayaa la kulmay Maamulada degmooyinka Gobolka Bakool iyo kan degmada Xudur, isaga oo kala hadlay Arrimo dhowr ah.

bilihii la soo dhaafay ayaa Al-Shabaab saarey culeys Oo xoogan Gobolka Bakool Gaar ahaan Degmada Xuddur taas oo keentay in xaaladdo bani’aadanimo oo daran inay gasho degmada Xudur.