MW Laftagareen oo kulan deg deg ah la qaatay Gurmadka Fatahaadaha Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta gareen ) oo kulan la qaatay caawa Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Koonfur Galbeed , culimada iyo ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo muwaadiniinta ku dhibaataysan fatahaadaha deegaannada Berdaale iyo Bakool

Wasiirrada Xubnaha ka ah Guddiga Gurmadka Fatahaadaha ayaa madaxweynaha la wadaagay warbixinta hawlaha samata bixinta iyo gurmadka la sameeyey tan iyo markii ay dhacday musiibadani .

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa sheegay in dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay sii xoojin doonto gurmadka deegaannada dhibaataysan, waxa uuna ugu baaqay culimada, ururrada dhallinyarada, haweenka iyo dhammaan ururrada bulshadda rayidka ah in ay si wada jir ah ugu kacaan caawiinta dadka dhibaataysan.

Madaxweynaha ayaa u rajeediyey Shaqaalaha Dowladda iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dakhlileyda ah in qeyb ka mid ah mushaharkooda ay u qoondeeyaan walaalaheenna ay soo gaartay dhibaatada baaxadda leh .

Xubnii qeybta ka ahaa kulanka ayaa talooyin, iyo aragti-celin ka dhiibtay warbixinta ay soo bandhigeen Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, waxaana wadajir la isula qaatay in la ballaariyo abaabulka isku-tashiga shacabka iyo Dowladda ee lagu wajahayo dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha.