MW Puntland oo Safiirka Ingiriiska kala hadlay xal ka gaarista khilaafka Siyaasadeed

Madaxwynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garoowe ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Puntland sida Nidaamka dimuqraadiyadda ee Puntland ku tallaabsatay, xaaladda Covid-19 iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan sidii xal looga gaari lahaa arrimaha siyaasadda ee taagan.

War kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Ingiriiska ay la wadaagtay madaxweynaha hambalyo ku aadan hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland ee guuleystay, waxayna muujisay in Doorashadda hal Qof iyo Hal cod ee ka dhacaysa Puntland ay rajo wanaagsan gelin doonto Soomaaliya inteeda kale.

Waxaa kulanka ka qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Shaqada iyo shaqaalaha , Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland.