MW Somaliland oo si rasmi ah Xariga uga Jaray Mashruuca Balaarinta Dekedda Berbera-SAWIRO

-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa si rasmi ah Xariga uga Jaray Mashruuca Balaarinta Dekedda Berbera iyo Mashaariic kale oo laga hirgaliyey Marsada Berbera.

Waxaa Munaasibadaasi ka qayb galay Wufuud sare oo ka socotay Waddamada Itoobiya, Kenya, Dublamaasiyiin iyo Madax kale.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Khudbad ka jeediyey Xarig ka jarka Mashaariicdaas ayaa sheegay in Dekedda Berbera ay maanta la jaanqaadayso Dekedaha waaweyn ee adduunka Wuxuu Madaxweynuhu u mahadceliyey Shirkadda DP World ee gacanta ku haysa Dekedda Berbera.