MW;Erdogan oo ku hanjabay inuu dib u bilaabi doono duullaanka waqooyiga Suuriya

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku hanjabay inuu dib usoo celin doono duullaankii ka dhanka ahaa Kurdiyiinta waqooyiga Suuriya tan iyo inta dagaalamaayaasha Kurdiyiinta ay isaga baxayaan deegaanada xadka ka hor inta aan la gaarin wakhtiga uu ku eg yahay heshiiska xabad joojinta.

Madaxweyne Erdogan wuxuu yiri “waa in 1,300 ee maleeshiyaadka kooxda YPG ay isaga baxaan halkaas ka hor inta aan gaarin saacadda 22:00 wakhtiga dalkaas”

Ciidammada Turkiga iyo kooxaha fallaagada Suuriyaan ah ayaa 9 bishan weerar ku qaaday waqooyiga Suuriya, waxay ciidammadiisa gudaha Suuriya u galeen 20 Mile.

Madaxweyne Erdogan ayaa dhawaan ogolaaday in la joojiyo howlgalka ka dhanka Kurdiyiinta waqooyiga Suuriya.

Go’aankii madaxwayne Donald Trump ee uu ciidamadiisa kaga soo saaray Suuriya ayaa waxa uu horseeday in Turkiga ay qaadaan tallaabo militari.

Xooggaga Kurdiyiinta ah ee YPG ayaa ka samaystay bariga webiga Furaat ee waqooyiga Suuriya dhul maamulkiisa ay u madax bannaan yihiin.

Dowrka muhiimka ah ee ay ka qaateen dagaalkii looga adkaaday ururka isku magacaabay dowladda Islaamka ayaa u sahlay dagaalyahannada YPG inay kasoo tallaabaan webiga ayna la wareegaan dhul ka tirsan Suuriya.

Xukuumadda Turkiga ayaa u arkta kooxda YPG in ay yihiin koox argagixiso ah