M/weyne Farmaajo oo 170 Caruur Agoon ah Lacag ay ku ciidaan ugu deeqay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lacag ku dhow $20,000 (Labaatan kun oo dollar) deeq ahaan u gaarsiiyay carruurta Agoonta ee ku jirta Xerada Agoonta ee degmada Afgooye, oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Lacagtan ayaa la gaarsiiyay 170 carruur oo ku jiray xerada, waxaana midkiiba la siiyay lacag dhan $110, taasoo u dhigan tahay $18,700 (Sideed iyo toban kuniyo todobo boqol oo dollar).

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa wakiil ka ahaa gaarsiinta deeqdan lacageed oo ah tii u horeysay ee Madaxweynuhu xaqul ciid ahaan u gaarsiiyo carruurta agoonta ah ee ku jirta Xeradaas.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Jen, Xuseen Xasan Cusmaan ayaa ka mahad celiyay deeqdan lacageed ee uu Madaxweynuhu soo gaarsiiyay carruurta agoonta, isagoo xusay in Madaxweynuhu qudhiisa uu horay uga baxay xeradan oo kale, isla markaana raggii ku bar baaray, waxaa uu xusay inuu xaalada ay ku sugan yihiin carruurta uu ogyahay, kana damqanayo.

Waxaa uu codsaday in deeqdan ay noqoto mid joogto ah, isagoo xusay in wali carruurta ku jirta xerada ay isugu jiraan kuwo gogol la’aan, sariir la’aan, isla markaana wixii hada ka dambeeya loo baahan yahay in laga fikiro raashinkooda.