Baydhabo–radiobaidoa.net-– Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa Galabta Magacaabay Wasiiro Hor dhac ah oo ka tisan Maamulka Koofur Galbeed.
Wasiirada ayaa gaaraya ilaa Afar Wasiir ku waas oo hor dhac u ah Wasiirada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Waxaana ay kala yihiin.
1. Cabdiraxmaan Sate, oo loo Magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Koofur Galbeed
2. Maxamed Xasan Fiqi, Wasiirka Beeraha
3. Maxamed Garrow, Wasiirka Garsoorka Ee Maamulka Koofur Galbeed
4. Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur, Wasiirka Maaliyadda.
Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa sheegay in Maalmaha Soo socda uu dhameystirayo Wasiirada kale ee harsan.